Burconews.net
Wasiirka Arrimaha Gududu Muxuu ka Yidhi Dagaalka Dhimashada iyo Dhaawaca badan Sababay ee Sool?
October 24, 2018 - Written by Admin

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka hadlay dagaalka sababay Dhimashada Afarta Ruux ka badan iyo Dhaawaca Siddeetanka Qof ka badan ee shalay Beelaha walaalaha ah ku dhex-maray deegaanka Dhumay ee Koonfurta gobolka SOOL, waxaanu ku baaqay in Dagaalka la joojiyo, Colaaddana nabad lagu beddelo.

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA SOMALILAND MAXAMED KAAHIN AXMED 2018

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA SOMALILAND MAXAMED KAAHIN AXMED 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasiirku waxa uu sheegay inuu aad uga tiiraanyeysan yahay in bilaa sabab iyo dagaal Beelo walaalo ah ay tiro intaa le’egi ku dhimato kuna dhaawacanto, waxaanu Tacsi u diray Qoysaska iyo Ehelada Dadka halkaas ku dhintay, isaga oo u duceeyey kuwa ku dhaawacmay, isla markaana waxa uu ku celceliyey in nabadda lagu soo noqdo oo wadahadal lagu dhammeeyo xalka.

Maxamed Kaahin Axmed Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Baaqan uu jeediyey iyo sida uu colaaddaa naxdinta badan leh uga hadlay-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

COMMENTS
Latest News