Burconews.net
Taliyaha Booliska oo beeniyay in wiil yar oo la dilay in lagala baxay kelyaha
September 22, 2018 - Written by Admin

Burcoews.net_Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) ayaa ka hadlay dhacdooyinkii u dambeeyay oo dilal ahaa, kaasoo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Jen. Bashiir ayaa sheegay in dad dhowr ah loo qabtay falalkii dilka ahaa oo ay ku jiraan saddex ruux oo loo qabtay dilka wiil yar oo shan sano jir ah.

Waxaa uu sheegay in saddexda ruux ay ku jirto qof haween ah, isagoo xusay in laga soo qabtay xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid.

Taliyaha ayaa beeniyay in wiilka yar lagala baxay Kilyaha, isagoo xusay weli baaritaan socdo, balse wiilka yar lagu arkay oo kaliya in labada indhood laga bixiyay.

Meydka Wiilka ayaa laga dhex helay gaari xalay, iyadoo tan iyo shalay barqadii ay la’aayeen qoyskiisa.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa sheegay in dad loo soo qabtay gabadh yar Iskuuley ah oo lagu dilay gaarigeeda maalintii arbacada aheyd.

24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay dilal nooc cusub ah oo dadka argagax geliyay, waxaana dilkii ugu naxdinta badnaa uu ahaa Haweeney lagu dhex dilay Fasalka Jaamacad ay dhiganeysay.

COMMENTS
Latest News