Burconews.net
Fadeexado isbarkan oo Dul hoganayaa Wasiirka maliyada Halka Hoose Akhrii
November 8, 2018 - Written by burconews 1

FADEEXAD: WASIIRKA MAALIYADDA OO FAHMI LA AWOODDIISII, MEEL KADHAC NA KU SAMEEYAY XEER NIDAAMIYAHA AY KU DHISAN TAHAY XUKUUMADDA UU KA TIRSAN YAHAY KADIB MARKUU FAAFIYAY WAR SAXAAFADEED KA HOR IMANAYA SHARCIYADDA

 

HORDHAC

Xukuumaddan Kulmiye ee uu hogaaminayo Mudane Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, waxay isla markii ay talada dalka la wareegtay ba samaysay wasaarado iyo hay’ado dawladeed oo ka duwan kuwii hore u jiray mudo xileedkii hore ee xisbigooda iyo dawladihii ka horeeyay ba, iyadoo la biibay wasaarado dhawr ah, qaarkood loo badalay hay’ado, hay’adaha dawliga ahna qaarkood la hoos geeyay wasaarado (oo ay ka noqdeen waaxo), hay’ado kalena laga hoos saaray wasaaradihii ay ku jireen (sida xafiiska xisaabiyaha guud ee qaranka), halka la abuuray hay’ado kale oo cusub oon hore u jirin.

Dhammaan ba dadaaladaasi waxa lagu dhaqan galiyay Xeer Nidaamiyaha Dhismaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hayadaha Xukuumadda Xeer Lr.01-2018, kaas oo soo baxay 06/01/2018 sida uu faafiyay Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranku.

WAR SAXAAFADEEDKA MAANTA UU WASIIRKU SOO SAARAY

War saxaafadeed ka uu soo saaray wasiirku ee manta la faafiyay oo aan lahayn tixraac sharci oo dhamaystiran sidoo kale aan si rasmi ah usoo bixin maadaama aanu summad lahayn wasiirkuna aanu saxeexin, balse la dul dhigay uun head ka wasaaradda. Imikana wareegaya mareegaha iyo baraha bulshadu ku kulanto lagana sii daayay TV yada maxaliga ah.

War saxaafadeedkani wuxuu iska indho tirayaa sharciyadda xukuumaddani ku dhisan tahay oo ah xeer nidaamiyaha Lr.01-2018 iyo xeerka madaxwayne ee gaarka u ah madax banaanaynta xafiiska si waafaqsan xeer nidaamiyaha xukuumaddan iyo xeerarka kale ee dalka iyo waliba barnaamijka iyo balanqaadkii xisbiga Kulmiye ee xukuumaddu shacabka ka iibisay.

Dastuurka lagu soo xigtay warkan waxa kaliya oo dastuurku cadaynayaa qodobkaa 90aad oo sheegaya magacaabidda xisaabiyaha guud oo ah digreeto madaxwayne si lamid ah ta wasiirada iyo hay’adaha kale ee dawladda madaxdooda.

Xeerka Maamulka Maaliyadda Qaranku kaliyaata wuxu cadaynayaa awoodaha xisaabiyaha guud ee qaranka sida ku cad qodobka 20aad, laakiin meel ay kaga jirto inuu xafiisku wasaaradda ka tirsan yahay ma jirto. Waaxaha kale ee wasaaraddu intay noqonayaan xataa kuma cadda. Qof kastaa dib buu ugu noqon karaa kamana soo helayo arrintaas.

War saxaafadeedkan kuma cada in xisaabiyaha guud aqbalay, mana cadda heshiiska laga gaadhay ee saxda ah kaas oo u eeg uun kaliyaata in indhaha bulshada la iska jeediyo, maadaama saxaafadda iyo bulshaduba falanqaynaysay maalmihii u danbeeyay khilaafkan, sharciyadda uu salka ku hayo iyo siraha qarsoon ee lagu danbabasayo sida aanu ka ogaanay khubaro u dhuun daloola miisaaniyaddah iyo dhaqaalaha kuwaas oo il dhaw ku eegayay xaaladda dhaqaale ee dalka oo sii xumaanaysa, hoos u dhaca dakhliga, sicir bararka iyo maamul xumada baahsan ee wasaaradda ka jirta.

JABINTA IYO BAAL MARSANAANTA XEER NIDAAMIYAHA XUKUUMADDA MUUSE

Xukuumaddan Madaxwayne Biixi sida kor ku xusan waxay ku dhisan tahay xXeer Nidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hayadaha Xukuumadda Xeer Lr.01-2018 ee soo baxay 06/01/2018. Xeer nidaamiyahaasi wuxu ka kooban yahay ubucdiisu liis wasaarado ah iyo liis kale oo ah hay’adaha madaxa bannaan ee qaranku leeyahay. Wadarta wasaaraduhu waa 23 oo ah sida ay hadda ku shaqeeyaan, iyadoo la og yahay kala duwanaanshihii ku dhacay dhammaantood ba si waafaqsan xeer nidaamiyaha oo Kala-wareejiyay Xilalka Iyo Waajibadyada Wasaaradaha iyo kuwa hay’adaha qaran kaba.

Xeer nidaamiyahaas marka la eego, sida ku xusan qaybta 2aad, qodobka 4aad ee dhismaha wasaaradaha xukuumadda, liiska wasaaradaha waxay Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu kaga jirtaa Lr. 7, iyadoo magaceedii hore la raaciyay ‘horumarinta’ oo ah sida ay hadda ku shaqayso.

Isla qodobka 7aad ee xeer nidaamiyaha waxa ku xusan 17 Hay’ado gaar ah iyo Wakaalado sii Jiraya oo ay ku jiraan Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Xafiiska Hanti-Dhawraha Guud ee Qaranka, Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Baanka Dhexe, Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka ikm.
Hadaba in uu wasiirku ku tilmaamo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka inuu yhay waaxi waxay baal marsan tahay xeer nidaamiyahan xukuumaddani ku dhisan tahay, taas oo jiritaanka dawladda shaki sharciyeed galinaysa.

JABINTA IYO BAAL MARIDDA XEERKA MADAXWEYNE EE MADAXBANAANAYNTA XAFIISKA XISAABIYAHA

Sida ku cad Barnaamijka Xisbiga ee 2017 – 2022 ee ay ku dhisan tahay xukuumaddani ayaa tiirka 6aad ee ka hadlaya horumarinta maamul wanaagga iyo la dagalaanka musuqa waxa ku cad in xukuumadda kulmiye ay mudo xileedkeeda tayayn doonto hay’ado 4 ah oo kor u qaadaya gaadhitaanka ujeedooyinka tiirkaas, waxana qodobka 3aad ee qaybta 6.2 ay u dhigan tahay “Waxa uu tayayn doonaa (Kulmiye) hay’adaha lagula dagaallamo musuqmaasuqa sida Komishanka Maamul-Wanaagga iyo la dagaalkan Musuqmaasuqa, Hanti-dhawraha Guud, Xisaabiyaha Guud iyo Xeer Ilaalinta Qaranka. ”

Madaxwayne Biixi ayaa isagoo fulinaya balan qaadkii xisbigiisa Kulmiye ee ahaa in la tayeeyo xafiisyada lagula dagaalamo musuqa ee uu kamid yahay Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranku, ayaa wuxuu soo saaray xeer madaxweyne oo lagu madax banaanaynayo xafiiska taariikhdu markay ahayd 03/06/2018 sanadkan aynu ku jirno oo uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Soo Saaray Xeer Madaxweyne oo ay sumadiisu ahayd Lr.03/062018 kaasi oo uu ku bayaamiyay madax Madax Bannaanidda Xafiiska Xisaabiyaha Guud Ee Qaranka Somaliland.

Waxa uu qoraalka Xafiiska Maddaxweynaha ka soo baxay u dhignaa sidan “Markaan arkay Qodobka 90-Aad ee Dastuurka Jamhuuridda Somaliland. Markaan arkay qodobka 18-Aad, Farqadiisa 1-Aad iyo 2-Aad. Qodobka 65-Aad Farqadiisa 2-Aad ee Xeerka kala xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’addaha madaxa bannaan, Xeer lr 71/2015. Markaan Arkay: Qodobka 7-Aad, farqadiisa 5-aad ee Xeer nidaamiyaha Dhismaha Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Xukuumadda, Xeer Lr 01/2018. Markaan arkay: Qodobka 20-aad ee Xeerka maamulka Maaliyadda iyo Xisaabaadka Qaranka. Markaan Tixgaliyay Muhiimadda ay Dhismaha Qaranka u leedahay Madax bannaanidda Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

Waxaan Go’aan Saday: Anigoo ka duulaya Qodobka Sharci ee kor ku xusan,in laga bilaabo taariikhda maanta 21/06/2018 uu Xafiiska Xisaabiyaha guud ee Dawladdu u madax bannaan yahay Gudashada Waajibaadkiisa shaqo (Maamul iyo Maaliyadba), islamarkaana waxa uu yeelan doonaa Miisaaniyad u gaar ah. Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranku Waxa uu xidhiidh wada shaqayneed(Line Minister) la yeelanayaa Wasaaradda Horumarinta maaliyadda”.

Xeerkan ee madaxwayne waxa baahiyay Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka, waxana uu dhaqan galay isla xiligaas.

In lagu sheegayo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka wax kamida wasaaraddu waxay si toos ah uga hor imanaysaa xeerkaas madaxweynuhu soo saaray.

XAFIISKU MA NOQON KARAA WAAX, MAGACAW GUNA SUU U DHICI KARAA?

Iyadoo la eegayo sharciyada wadanka u yaalla oo uu ugu horeeyo dastuurku, marnaba suuragal maaha in lagu tilmaamo xafiiskan qaran waax ka tirsan wasaarad. Waax macnaheedu waa inuu soo magacaabo agaasime maamula oo uu wasiir keeno. Taasi waa sharci jabinta ugu wayn oo dastuurka ayay burinaysaa qodobkiisa 90aad ee sheegaya magacaabista xisaabiyaha guud.

Iyadoo hadaba la eegayo dastuurka iyo shuruucda badan ee aynu kor kaga soo hadalnay marnaba Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranku ma noqon karo waax ka tirsan maaliyadda.

Iyadoo la raacayo xeerarkaas kala duwan ayaa waxa cad in sharciyadda lagu magaacaabi karo ama xilka lagag qaadi karaa ay tahay madaxwaynaha kadib marka uu la tashado xisaabiyaha guud iyo hantidhawraha guud. Dhammaan ba qaybaha kala duwan ee xafiiska xisaabiyaha guud magacaabistoodu waxay u taallaa oo kaliya xisaabiyaha guud kadib marka uu kala tashado ku xigeenkiisa.

UBUCDA KHILAAFKA, BADALKA CADHADA IYO AARGOOSIGA AH & KHATARTA KU WAJAHAN ODOROSKA MIISAANIYADDA 2018 IYO XISAAB XIDHKIISA QARANKA EE 2018

Khilaafkan ayaa sida la ogaaday ka bilaabmay arrimo farsamo oo ku saabsanaa xidhiidho ay is waydaarsadeen Wasaaradda iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud oo dhaliyay khilaaf kooban. Balse markii danbe wasiirka ayaa isku dayay inuu ku baabiiyo is badalkan oo loogu soo gabanayo in dood foolka fool ah laga yeesho arrimaha khilaafka dhaliyay oo ay ahayd inay isaga yimaaddaan Wasiirka iyo Xisaabiyuhu.

Badalkan marka sharci daradiisa laga tago, waxa uu iska ahaa uun weerar si cadaawadaysan hiilfaha loogu qaadayo xisaabiyaha guud, waxa laga garan karaa badalkan loogu talo galay in shaqaalihii ugu xirfadda badnaa lagu kala geeyo meelo aanay xataa aqoontoodu wax ka tarayn. Xisaabiye ku xigeenka oo laga dhigayo shaqaale hoosaad iska ag jooga agaasimaha guud, sarkaal maamul maaliyadeed ku takhasusay oo qorshayn dhaqaale yahanno looga baahnaa lagu wado, iyo sarkaal la geeyay meel fadhiid ah oo aanay shaqoba ka socon shaqaaluhu shaaha ku dhex cabaan oo ah baadhis iyo daba gal aan jirin, taas oo wasiirku ku fashilmay inuu wax ka qabto mudada sanadka ku dhaw ee uu xilka hayay. Waxa intaas dheer in sababta badalku aanay ku cadayn warqadda la iska dhoodhoobay, halka ay dad badani isku raacsan yihiin in dhammaan ba dadka la keenayaa aanay kasoo bixi Karin shaqadan qaranka oo ayna dhanna kaga dhacayn saraakiishan loogu soo dhuuntay isku bedelka.
Badalkan wuxu kusoo hagaagay xili uu dhammaad yahay sand miisaaniyadeed, loona diyaar garoobayo xisaab xidhkiisii iyo in la gaadho odorska miisaaniyadda ee kharash iyo dakhli ba. Laakiin waxa cad in khatar badan ay ka imanayso hadii sharciyada ka baalmaro.

SHAQAALAHA LALA DOONAYAA MA QABAN KARAAN SHARCI IYO SHARCI DARABA

Sharci darada bedelkaasi marka laga tago, waxa la noo xaqiijiyay in dadka shaqadan la leeyahay hala wareegaan aanay awood shaqo u lahayn hanashada xilalka cusub ee la rabo in la geeyo.

Kuxigeenka Xisaabiyuhu waa ragii u taagay dhidibada xafiiska sanadkii 1992, waa khabiir xisaab xidhada ku caan baxay kana soo shaqeeyay ilaa gobolada. Xaga shaqada waxa lagu tilmaamaa xafiiska dhexdiisa inuu yahay mishiinka xafiiska kala wada, waxanu talan taali u maamulaa dhammaan ba qaybaha xafiiska iyo waliba laamaha gobolada, waxa uu si gaar ah ula shaqeeyaa qaybta xisaab xidhada oo uu kor joogteeyo shaqadooda. Cid shaqadaas ku badali karta oo la xirfad ahi xafiiska ba ma joogto siday noo cadeeyeen dad badan oo aanu waraysanay.

Hubiyaha guud ee kharash bixintu uma babac dhigi karo shaqada balaadhan ee qaybaha aadka u baaxadda badan ee xafiiskan, laakiin wuxuu ka adag yahay qaybta uu u sareeyo ee hubinta kharash bixinta qaranka, taas oo mudo badan kusoo dhex jiray.

Sarkaalka la doonayo in laga dhigo hubiyaha guud ma maamuli karo qaybtan hubinta kharashka, waayo waligii muu kantaroolin iska daa wax kale hal wasaarad kharashkeeda hal maalin. Waxa laysla dhex marayaa uun in wasiirku nin jeclaysi iyo qabiil ahaan uun u wato. Waxa qaban kara shaqadan uun sarkaal kasoo laacay sanado badan inuu noqdo hubiye kharash oo ka hoos shaqeeyay hubiyaha guud, kaas oo khibrad ka helay maamulidda kharshaad miisaaniyadeed ee wasaaradi leedahay.
Ku xigeenka hubiyaha guud waxa lala doontay dhawaan barad shaqada waxana laga soo badalay wasaarad kale iyadoo qaybta baadhista iyo gobolada mudo kooban joogtay. Kaliyaata waxa buuxin kara booskaas qof hubiyaha guud kasoo hoos shaqeeyay oo khibrad ka helay kantaroolidda kharashaadka wasaaradaha oo soo maamulay diiwanada miisaaniyadaha mudo sanado dhawr ah, kadibna uu xisaabiyaha guud u magacaabo booskaas.
Saraakiisha kale ee laysaga qoray xafiiska EAFS ayaa waxay yihiin dhammaantood qaar aan khibrad shaqo u lahayn maamulidda iyo kantaroolka kharashaadka mashaariicda oo u baahan xirfad balaadhan iyo in muddo shaqada lagu soo dhex jiro.

Madaxa cusub ee lagu wado EAFS ka ayaa mudo kooban oo wiigag ah joogtay xafiiska PFM ka, markii horena laga soo badalay cashuuraha berriga, wax khibrad ah oo maamulid iyo kantarool kharash iyo xisaab xidh ay u leedahay haba yaraatee ma jirto. Booskan sida dawladdu kula heshiisay bangiga waxa kaliya oo ku dalaci kara marka uu xisaabiyaha guud u magacaabo shaqaale ka tirsan isla qaybta oo xirfad tababar ku helay kantaroolka kharashka iyo xisaab xidhada nidaamka uu bangigu rabo.
Sarkaalka qaybta cash ku waxa uu ka shaqeeyay oo kaliya isla qaybtaas isagoo mudo kooban joogay, aan lahayna wax khibrad ah oo uu ku maamulo kharash mashaariiceed, wax tababar ahna kuma haysto xirfaddaas shaqo, halka uu ka shaqayn jiray uun processing ka jeeg iyo cash book kaliya. Booskan waa boos sare oo ay kusoo dalaci karaan oo kaliya shaqaalaha EAFS ka gudihiisa ka hawl gala ee khibradda ku helay ilaalinta kharash bixinta iyo xisaab xidhada isagoo uu u magacaabayo xisaabiyaha guud ee qaranku kadib marka ay khibrad helaan una diga rogan karaan booskaas.

QAYBTA CAAWIMOOYINKA DIBEDDA EE XAFIISKA XISAABIYAHA GUUD IYO KHATAR KU WAJAHAN MASHAARIICDA BAANKA DUNIDA

Qaybtan oo si gaar ah loo maamulo, loona yaqaanno EAFS ayaa waxa maamula xirfadlayaal mudo badan shaqada soo waday uu Bangiga Adduunku tababaray, waxana soo mara lacagaha mashaariicda uu Bangiga Adduunku ka wado Somaliland, kuwaas oo raaca nidaam kharash bixineed oo ka duwan xaga kantaroolka kuwa dalwadda, iyadoo Bangigu si dhaw ula shaqeeyo una tababaro. Maadaama uu bangigu galiyay dadaal, tababar iyo xirfad kordhin mudooyinkii lasoo dhaafay, waxa si dhaw markaanu ula xidhiidhnay shaqaalaha xafiiska xisaabiyaha guud, ay noo sheegeen inay adag tahay in xiligan is badal lagu sameeyo sharci iyo sharci daro ba juhdiga galay, khibaraddooda shaqo iyo dadka dibadda kaga imanaya ee aan wax khibrad ah ulahayn sidu u shaqeeyo EAFS ku.

Qaybtan waxaa maamula sarkaal kamida shaqaalaha ugu xirfadda badan (key staff) xafiiska guud ahaan, sidoo kalena ku jira muwaadiniinta dalka ugu aqoonta badan xaga nidaamka maaliyadda dawladda (Public Financial Management), aqoon kalena u leh xisaabaadka (Accounting and Finance) iyo culuumta maamulka iyo maaraynta ba (General Management). Sarkaalkan wuxuu ka qaatay shahaadada labaad ee takhasuska PFM-ka (MA in PFM) sanadkii 2014 Jaamacadda Shaqaalaha Dawladda ee Itoobiya (Ethiopian Civil Service University) isagoo noqday labada arday ee kaliya ee Somaliland kasoo jeeda ee kaga baxay jaamacadda darajada ugu saraysa ee CGPA 4.0/4.0, waxa kale oo uu shahaado kale oo labaad (MBA) uu ka qaatay Jaamacadda Jimma (Jimma University) ee dalka Itoobiya, halka uu shahaadada koowaadna ku qaatay Xisaabaadka Jaamacadda Hargeisa isagoo noqday ardaydii u sareeyay sanadkii 2012. Sarkaalkan ayaa qaybtan loo dhiibay mudada ay xukuumaddani dalka xukumaysay, isagoo markii horena shaqaale ka ahaa isla qaybtan markuu jaamacadda kasoo laabtay, markii horena ka tirsanaa qaybta baadhista iyo gobolada ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

Sarkaalka ku xiga xaga shaqada oo warqadda lagu soo daray ayaa isna mudo badan ka shaqaynayay xafiiska xisaabiyaha guud isagoo soo maray dhammaan ba qaybaha xafiiska, qaarkoodna wuxu kazoo noqday madax qaybeed. Ilaa markii la bilaabay qaybtan EAFS ka sanadkii 2015 wuxu ka ahaa madax qaybeed isagoo khibrad dheer u leh nidaamka kantaroolka kharashaadka mashaariicda iyo xisaab xidhada. Inuuk a tagaa waxay hagar daamo ku noqonaysaa qaranka, waxanay ay khatar balaadhan galinaysaa nidaamka aaminaadda Bangiga Adduunka, maadaama Bangiga ay kaga baxday kharash badan xaga tababarada kala duwan ee uu qaatay ilaa 2015 markii la aas aasay qaybtan.

Arrintan weerarka ahi waxay kordhinaysaa khatarta ilaalinta kharashaadka mashaariicda waxanay baal marsan tahay heshiiska la isku af gartay Bangiga Adduunka oo ah in shaqaalahan uu magacaabo xisaabiyaha guud aanay ku dalacaan gudaha xayn daabka EAFS ka oo kaliya. Sidoo kale waxa gaf ah in laba qof oo shaqada isaga sareeya laga kaxeeyo isla qayb, taas oo keenaysa inuu lumo khibraddii iyo jihadi xafiisku.

DHALIILAHA KALE EE WASIIRKA IYO MUSTAQBALKA

Wasiirka maaliyadda waxa aad loogu dhaliilay dag dag faro badan iyo isaga oo talooyin aanu ka fiirsan ka qaata kooxo gaar ah oo ku meersan. Taas oo keentay inuu goobaha dakhli soo saarka u magacaabo dad aan ku fiicnayn oo usoo jiiday hoos u dhac odorso miisaaniyad sanadeedkan 2018 oo hoos u sii dhacaya kuna dhaw inaan kharashaad la bixin Karin mudada hadhay ama la sameeyo miisaaniyad dhimis intaanu sanadku dhammaan (supplementray budget) si loo dhimayo kharashaad la bixin lahaa balse aan la awoodin dakhli yaraan awgeed.

Waxa kale oo wasiirku aanu kazoo bixin dib u habanta waaxihiisa kala duwan sida qaybta daba galka baadhista (internal audit) iyo qorshaynta, isagoo laga filayay inuu wax ka badalo oo uu ka shaqaysiiyo.

Waxa kale oo mudadiisii hoos u dhacay wada shaqaynta wasaaraddiisa iyo bangiga dhexe, wada shaqaynta wasaaradaha kale sida wasaaradaha kamidka gudida dhaqaalaha oo uu ugu horeeyo wasiirka ugu aqoonta badan gudidaas ee boosaha iyo isgaadhsiinta.
Waxa uu wasiirku ku jiraa difaac shakhsi ah kaas oo u saamixi waayay inuu si dhaw ula shaqeeyo baarlamaanka oo ay cashuuraha isku maandhaafsan yihiin kordhintooda iyo gudiyada baarlamaanka.

Waxa uu wasiirku ku fashilmay la shaqaynta xubnaha shaqada uga hooseeya ee uu magacaabay isagoo inta badan aflagaadeeya ama dag dag u erya.
Walaw ay aad isu khliaafeen ku xigeenkiisa iyo agaasimaha guud oo sidii hore loo baahiyay mar ka joojiyay kormeerada iyo shirarka aanu ogayn, warqaddaas oo dibadda usoo baxday khilaaf jiray, hadana waxa beryahan cadaaday inay heshiiyeen oo ay iyaguna ka faaiidaysteen inay jaheeyeen ama khilaafaad badan wasiirka galiyaan oo uu kani kamid yahay. Waliba Agaasimaha ooh ore ugu fashilmay maamulidda bangiga premeer aan lahayna khibrad maamul oo balaadhan.

Wasiirku waxa uu u baahan yahay inuu is dajiyo arrimo badan ka fiirsado, lana heshiiyo oo ay is lab xaadhaan hay’adaha qaranka wada shaqayntu ka dhaxayso sida baarlamaanka, hantidhawraha guud, gudida dhaqaalaha, xisaabiyaha guud iyo hantidhawraha guud.

COMMENTS
Latest News