Burconews.net
XOG: Real Madrid Oo Rekoodh Xun Kaga Haysata Satiago Bernabeu Kooxaha Barcelona & Atletico Madrid Iyo Xogta Kulamadii Ugu Dambeeyay Loo Diiwaan Galiyay Oo Caddayn Buuxda U Ah.
September 30, 2018 - Written by Admin

Kaddib markii ay xalay bareejo garoonka Santiago Bernabeu kula galeen kooxda Atletico Madrid, Rekoodhka ay kooxda Real Madrid dhigeeda Atletico iyo Barcelona kaga haysato garoonkaas ayaa noqday mid qalbi jabinaya jamaahiirta cad cadka.

Estadio Santiago Bernabeu ayaa argagax weyn ku ah dhammaan kooxaha soo booqda marka laga reebo kooxaha Barcelona & Atletico Madrid oo iyagu markasta dhibco kala laabanayay kulamadii ugu dambeeyay.

Rekoodhka iyo xogta liidata ee Los Blancos looga diiwaan galiyay lixdii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay iyo kulamadii ay kooxahaas ku wajahday Bernabeu ayaa cadaynaya in Madrid ay kaliya hal mar guul ku gaadhay garoonkeeda waana kulan ay 3-1 ku dubteen Barca oo marti u ahayd sanadkii 2014.

Kulamada kale ee ay mudadaas Real ku qaabishay Bernabeu kooxaha Rojiblancos iyo Blaugrana ayaa ahaa kuwo qalbijab leh maadaama oo ay saddex kulan bareejo galeen isla markaana ay toddoba kulan guuldaraysteen.

Rekoodhkan ayaa ah mid dib usoo muuqday kaddib markii ay xalay 0-0 ku kala baxeen Atletico kooxda tababare Diego Simeone ayaana ah caqabada ugu weyn ee Los Blancos ku haysata Bernabeu sababtoo ah inaysan guul kaga gaadhin tan iyo xilli ciyaareedkii 2012-2013.

Horyaalka La Liga ayaa xilli ciyaareedkan ayaa la filayaa inuu ka xooganaado sidii hore iyada oo ay muhiimada ugu weyn yeelan doonaan kulamada ay sida tooska ah u wada ciyaaraan saddexda kooxood ee Atletico Madrid, Barcelona & Real Mdrid oo ah tartamayaasha ugu cad cad.

 

COMMENTS
Latest News