Burconews.net
Manchester City Oo Liiska Xiddigaha Ay Suuqa Ka Dooneyso Ku Darsatay Kylian Mbappe, Sababata PSG Ku Qasbaysa Inay Ka Iibiso & Qaabka Xeeladaysan Ee Ay Citizens Ku Heli Karaan Oo La Ogaaday.
September 30, 2018 - Written by Admin

burconews_Kooxda horyaalka Premier League ee Manchester City ayaa liiska xiddigaha ay suuqa kala iibsiga ka dooneyso ku darsatay da’yarka mucjisada ah ee kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe.

Mulkiilayaasha kooxda ayaa qorsheynaya inay halkooda kasii wadaan rabitaankooda xoogan ee ay ku doonayaan hanashada tartanka Champions League waxaana ay markan doonayaan saxeex kale oo u qaada heer kale sida laga soo xiganayo wargeyska The Sun.

Sky Blues ayaa da’yarkan oo loo magacaabay da’yarkii ugu fiicnaa koobkii aduunka sidoo kalena kusoo baxay liiska 11 kii xiddig ee shaxda aduunka (FIFPro) u aragta xiddiga ku haboon ee ay kala soo saxeexan karaan suuqa kala iibsiga.

Haddaba, Sababta ugu weyn ee kooxda Paris Saint-Germain ku qasbaysa inay xiddigan iibiso ayaa ah in uu qaban karo sharciga dhaqaale wanaaga ee qaarad Yurub oo ay haatanba baadhitaano kaga socdaan.

PSG ayaa sanadkii 2017 rekoodhka suuqa kala iibsiga u jabisay Neymar JR oo Barcelona ka tirsanaa iyaga oo kusoo qaatay awood dhaqaale oo cad kaddib 222 Milyan oo ay ka bixiyeen, Intaa kaddib kooxda ree France ayaa 165 Milyan si rasmi ah ugula saxeexday Kylian Mbappe oo ay markii hore qaab amaah ah ku haysteen.

Kooxda Pep Guardiola ayaa qorsheynaysa inay qaab xirfadaysan kula soo saxeexato 19 jirkan, Citizens ayaa doonaya inay mushahar waali ah oo 20 Milyan ah kusoo jiitaan xiddigan halkii ay lacago badan kula saxeexan lahaayeen ee ay cawaaqib xumo kala kulmi lahaayeen sharciga dhaqaale wanaaga Yurub.

Ugu dambayn, Citizens waxa ay xilli ciyaareedkan rajaynayaan inay horumar weyn ka sameeyaan tartanka Champions League oo ay ka horumaraan sidii xilli ciyaareedkii hore markaas oo ay tartanka uga hadheen sababta Liverpool.

 

COMMENTS
Latest News