Burconews.net
Kaddib Markii Laga Saaray Liiska Kooxdii Wajahaysay West Ham United, Qorshaha Xiga Ee Ay Manchester United La Damacsanan Tahay Alexis Sanchez Oo La Ogaaday.
September 30, 2018 - Written by Admin

Tababare Jose Mourinho ayaa ugu dambayn lumiyay dulqaadkii uu u hayay garabka kooxdiisa ee Alexis Sanchez kaddib qaab ciyaareedyo liita oo uu xilli ciyaareedkan soo bandhigay kooxdiisa ayaana haatan qorshe cusub ka leh.

Alexis ayaa gabi ahaanba iska dhex waayay liiska kooxdii wajahaysay West Ham United shalay oo sabti ahayd walow uu taam buuxa u ahaa inuu kulankan safto, Kooxdiisu guuldaro 3-0 ah kala soo laabatay London Stadium.

Haddaba, Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo saxaafada dalka England ayaa ku warramaya in tababare Mourinho uu haatan qorsheynayo inuu gabi ahaanba kooxda ka diro 29 jirkan isla markaana uu koox cusub ka iibiyo.

Xiddigii hore ee kooxda Arsenal ayaa xilli ciyaareedkan kooxdiisa ugu soo bilawday afar kulan oo kamid ah toddobada kulan ee ilaa haatan la ciyaaray waxaana xusid mudan inuusan kulana shabaqa gaadhin ilaa haatan.

Red Devils ayaa bishii January ee horraantii sanadkan Sanchez oo ay kala soo saxeexdeen kooxda Arsenal, Kooxda Mourinho ayaa saxeexa xiddigan si weyn ugula dagaalantay kooxda ay jaarka yihiin ee Manchester City balse go’aankii saxeexaas ayaa haatan u muuqda fashil weyn.

Si kastaba ha ahaatee, Guuldaradii 3-1 ka ahayd ee ay shalay kala soo laabteen Hammers ayaa ka dhigaysa inay xilli ciyaareedkan ku bilawdeen qaabkoodii ugu xumaa abid kaddib markii ay kaliya 10 dhibcood ka heleen toddoba kulan.

COMMENTS
Latest News