Burconews.net
Halyeey Jamie Carragher Oo Sheegay Shaqsiga Doorka Ugu Weyn Ka Ciyaari Kara Haddii Ay Kooxda Chelsea Ku Guuleysanayso Premier League Xilli Ciyaareedkan, Eden Hazard Mise Maurizio Sarri?
September 30, 2018 - Written by Admin

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher oo ah shaqsi inta ugu badan ka hadla saadaasha iyo xaaladaha horyaalka Premier League ayaa markan sheegay shaqsiga saamaynta ugu xoogan ku yeelan kara kooxda Chelsea haddiiba ay hananayso Premier League xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa xilli ciyaareedkan qaab cajiib ah ku bilaabatay tartanka Premier League waxaana ay kaliya laba dhibcood ka dambeeyaan kooxda hoggaanka heysa ee Liverpool oo ay xalay bar-bar dhac min hal gool ah ku galeen Stamford Bridge.

Eden Hazard ayaa ahaa xiddiga ugu saameynta badan ee kulamadaas usoo safta Blues halka aysan marnaba kooxdu ka maarmin falsafada cusub ee tababare Maurizio Sarri oo ay durtaba u muuqdaan kuwo qaab wacan u hirgaliyay.

Haddaba, Halyeeyga Reds ayaa kala doortay labadan shaqsi ee saamaynta xoogan ku leh horumarka kooxda ee xilli ciyaareedkan isaga oo sheegay in tababare Sarri oo qeyb ka qaadan karo hanshada PL ee Chelsea balse ay waxkasta gabi ahaanba ku xidhnaan doonaan Eden Hazard.

Carragher ayaana yidhi “Haddii ay Chelsea ku guuleysato horyaalka xilli ciyaareedkan, waxa ay qayb ahaan noqon doontaa sababta tababare weyn balse gabi ahaanba saamaynta Eden Hazard”

“Hazard waa ciyaartoyga ugu fiican Premier League, Xukunkaasi waa mid ku salaysan lixdii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay maaha lixdii kulan ee ugu horreeyay xilli ciyaareedkan”

Si kastaba ha ahaatee, Walow markii hore saadaasha ugu badan ee hanashada horyaalka xilli ciyaareedkan ay helayeen kooxaha Liverpool iyo Manchester City, Kooxda Chelsea ayaa haatan si weyn isku muujisay isla markaana cadaysay sida ay u tahay loolame dhab ah.

COMMENTS
Latest News