Burconews.net
Goormaa Ugu Dambaysay In Kooxda Barcelona Ay Saddex Kulan Oo Xidhiidh Ah Guul La’aan Ahaato Horyaalka La Liga?
September 30, 2018 - Written by Admin

Kooxda Barcelona ayaa ku jirta maalmo xasaasi ah isla markaana musiibo ah kaddib markii ay soo qaateen toddobaad fashil ah oo ay heleen laba dhibcood oo kaliya halka ay ka lumiyeen toddoba dhibcood saddex kulan gudaheed.

Dhibaatada kooxda tababare Ernesto Valverde ayaa ka bilaabantay kulankii ay Axadii hore bareejaha 2-2 ah la galeen kooxda ay magaalada Barcelona kasoo wada jeedaan ee Girona, Intaa kaddib waxa ay guuldaro 2-1 ah kala soo laabteen Leganes halka ay shalay markale hal dhibic ka heleen kulankii ay Camp Nou kula ciyaareen Athletic Bilbao.

Haddaba, Goorma ugu dambaysay in Barca aysan saddex kulan oo xidhiidh ah guul arag kulamada horyaalka La Liga?

Markii ugu dambeysay ee ay kooxda Barcelona sidan oo kale u rafaado oo aysan wax guul ah arag saddex kulan oo xidhiidh ah ayaa ahayd bishii Novenber ee 2016 markaas oo uu kooxda hoggaaminayay tababare  Luis Enrique.

Blaugrana ayaa wakhtigaas Camp Nou bareejo kula gashay kooxda Malaga oo ay 0-0 ku kala baxeen, Kaddib waxa ay booqdeen Real Soceidad oo Anoeta Stadium kaga soo adkaatay halka ay markale dhibcaha la qaybsadeen kooxda Real Madrid.

Ugu dambayn, Barcelona ayaa u baahan doonta inay sida ugu dhakhsaha badan isku muujiyaan ugana baxaan maalmaha murugada leh ee ay dhexda ka galeen maadaama oo ay kulamo muhiim ah kusoo socdaan.

Valverde iyo kooxda uu hoggaaminayo ayaa toddobaadkan kulan xiiso badan la ciyaari doonta kooxda Tottenham Hotspurs waxaana ay intaa kaddib markale La Liga ku mari doonaan kulan adag marka ay  booqdaan Mestalla Stadium oo ay ugu tagayaan Valencia.

COMMENTS
Latest News