Dowladda federaalka oo soo bandhigtey naqshadda lacagta cusub ee ay dalka keeni doonaan

0
16

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta saxaafadda kula hadley magaalada Muqdisho waxaana uu soo bandhigey lacag cusub oo uu sheegay in dhawaan dalka laga hirgelin doono.

Lacagta cusub ee la soo bandhigey ayaa ah tobankun oo shiling iyo shan kun oo shiling Soomaali ah. Wasiirka ayaa sheegay in lacagtan cusub aan la koobin karin oo ay tahay mid si caalami ah loo sameeyey ayna gacan ka geysteen hyay’ado caalami ah, Sidoo kale waxaa lagu wadaa in lacagtan ay yeelato kun shiling.

Lacagta Soomaaliga ayaa hadda ku kooban kun shiling oo keliya, waxaana lacagta dalka taala ay tahay mid been abuur ah oo siyaabo kala geddisan loo daabaco, waxaana meesha ka saarey adeegyo danabaysan (electronic) ah oo ku jaan go’an lacagta Maraykanka ee Dollarka.

Dowalddii Hore ee Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh maxamuud ayaa ku fashilantey in ay dalka u sameeyaan lacag loo dhan yahay oo hoostagta Dowladda Dhexe, Haddii Dowladda Farmaajo ku guuleysato ayey noqoneysaa tii u horeysey tan iyo 1990 kii.

Hirgelinta lacagtan ayaa lagu wadaa in maamulada dalku ka heshiiyaan, caqabada ugu weyn ayaa ah al-Shabaab oo aan dalka laga hirgelin karin haddii aan awood lagu muquunin oo meesha laga saarin, marka la eego sida amarkoodu uga shaqeeyo koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here