Maamulka Koofur-Galbeed oo sheegay in ay wadaan howl galo ka dhan ah Shabaab-Dhegayso

0
21

Saraakiisha Maamulka Koofur-Galbeed-Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyey weerar ay Shabaab ku qaadeen fariisamo ay ciidamada dowlada Soomaaliya ku leeyihiin magaalada Waajid ee Gobolka Bakool.

Daahir Cali Maxamed oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Koofur-Galbeed Soomaaliya kuna sugan Waajid oo wareysi siiyey Horsed Media ayaa waxaa uu sheegay in weerarkaasi uu ciidamada dowlada kaga dhaawacmay Al-shabaabna uusan karan karin khasaaraha gaaray.

Teliye Daahir ayaa xusay inay haatan soconayaan howl galo ay wadaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa koofur-Galbeed-Soomaaliya.

Uga dambeyntii sarkaalkan ka tirsan saraakiisha Koofur-Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay meelaha ay Shaaab ka joogaan Gobolka Bakool iyo xirnaashaha wadooyinka soo gala Magaalada Waajid oo muddo 5 sano ah ay Al-Shabaab go’doomiyeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here