[DEG DEG:-] Ciidamada Sida Gaarka Ah U Tababaran Oo Hawl-gallo Cusub Ka Sameeyay Deegaanka….[Sawiro]

0
303

DEG DEG:- Ciidamada Sida Gaarka Ah U Tababaran Oo Hawl-gallo Cusub Ka Sameeyay Deegaanka….

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNACiidamada sida gaarka u tababaran ee ee DANAB ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgalo ka sameeyay qeybo ka mid ah Gobalka Jubada Hoose.

Goobaha ay Ciidamada DANAB Howlgalka ka sameeyeen waxaa ka mid ah Kamsuuma, deegaan lagu magacaabo Kaban iyo Jammaame waxaana halkaasi ay ku burburiyeen fariisimo Nabad diidka Baxsadka ah ee Al-shabaab ay ku ku sugnaayeen Al-Shabaab sida ay baahisay SONNA.

Waxay gacanta kusoo dhigeen Ciidanka Kumaadooska Danab kudhawaad 20 qof oo la xiriirinayo inay kamid yihiin Kooxda Alshabaab, iyaggoo baaris ku wada, si loo kala saaro.

Taliyaha qeybta 43Aad ee ciidanka xoogga dalka general Ismaaciil Saxardiid oo la haday Idaacadda Codka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, ayaa sheegay in howlgalada ay si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka gaarka ah ee Danab oo gacan ka helaya Kuwa Mareykanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here